hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Yariisow: 81 Alshabaab ah ayaa lagu diley Jilib

November 12, 2017   //     //   News678 Views

Wasiirka warfaafinta DFS  C/risaaq Yariisow ayaa bartiisa twitterka soo dhigay  warbixin kooban oo uu ku sheegay in howlgal khaas ah oo ay  ciidamada amaanka ee Soomaaliya  ka fuliyeen degmada Jilib ku dileen 81 katirsan Alshabaab halka gaadiid iyo hub culusna ay ku burburiyeen.

Wasiirku wuxuu xusay in maleeshiyaadkan la laayey ay isku aruursanayeen xero kutaala degmada Jilib ayna qorsheenayeen in weerar ay ku qaadaan deegaano kamid ah gobolka Gedo.

Dowlad goboleedka Jubaland wali wax war ah oo rasmi ah kama aysan soo saarin weerarkan la sheegay inuu ka dhacay degmada Jilib.

Readers Comments (0)

Comments are closed.