hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Xuuthiyiinta oo dilay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax

December 4, 2017   //     //   News688 Views

121fb735-348e-4088-a151-8a3e4cb8aeec_5x2_1100x440Ururka Yeme’s General People’s congress  oo uu madax u ahaa Cali Cabdalla Saalax ayaa xaqiijiyay in hogaamiyahoodii manta lagu dilay dagaal khadhaadh oo ka dhacay magaalada Sanca.Video lagu shaaciyay telefishanka Xuuthiyiinta ee Al-Masiira ayaa waxaa ka muuqda Cali Cabdalla Saalax oo busta ku jiifa ayna hareerihiisa ku dabaal dagayaan xuuthiyiintu.

Goor sii horeysay oo manta ah ayay maleeshiyaadka xuuthiyiintu qarxiyeen gurigii Cali Cabdalla Saalax oo kuyaala badhtamaha magaalada Sanca.

Dagaalka ka dhex qarxay xuuthiyiinta iyo ururka uu hogaamiyo Cali Cabdalla Saalax ayaa wuxuu qarxay Arbacadii la soo dhaafay waxaana ku dhintay 125 ruux halka 238 kalana ay ku dhaawacmeen.

Readers Comments (0)

Comments are closed.