hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Xukaamtii Carabta oo isku haysta adiga ayaa isoo wacay iyo maya ee adigaa isoo wacay!

September 10, 2017   //     //   News520 Views

qadar iyo sacuudigaMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhexdhexaadin cusub oo uu ka dhex bilaabay madaxda Qadar iyo Sacuudiga waxay dhalisay in amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo dhaxalsugha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan khadka telefoonka ku wada hadlaan.Labadan masuul ayaa isla soo qaaday in miiska wadahadalka lagu xaliyo khilaafka udhaxeeya labada dal.Wadahadalkii laba masuul kadib waxaa dhacday in wakaalada wararka ee Qadar tabiso xidhiidhka dhexmaray  amiirka Qadar iyo dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga.Qoraal kasoo baxay wakaalada wararka ee Qadar(QNA) ayaa lagu sheegay in amiirka Qadar soo dhaweynayo soo jeedinta dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga ee ah in labada dal magacaab ergo kala matalaysa labada dal oo ka wadahadla sidii loo dhameyn lahaa khilaafka udhaxeeya labada dal.

Warkan waxaa aad uga xumaaday Boqortooyada Sacuudiga oo wakaalada wararka ee Qadar ku eedeeyay inay ka been sheegtay xidhiidhka dhexmaray labada masuul ayna ku guul dareysatay inay xusto in amiirka Qadar uu ahaa kii xidhiidhka bilaabay ee isagu wacay dhaxalsugaha boqortoyada Sacuudiga.Qoraal lagu soo daabacay wakaalada wararka ee Sacuudiga(SPA) ayaa lagu sheegay in Sacuudiga hakiyay wadahadaladii nabadeed ee ubilaaban lahaa Sacuudiga iyo Qadar ilaa iyo inta Qadar ay ka run sheegayso xidhiidhkii dhexmaray labada masuul raaligelina ay ka bixinaysa warkii khaldanaa ee ku soo baxay QNA.

Wargeyska Newyork times oo arintan wax ka qoray ayaa sheegay in carabi isku haysato waxaan macno badan lahayn oo ah adigaa isoo wacay iyo maya ee adigaa isoo wacay.Wargeysku wuxuu xusay in madaxda labada dal uu mid kasta ciida madaxa ka ceshanayo oo uu diidan yahay in loo arko in isagu yahay midka soo dabcay.

Adigaa isoo wacay iyo maya ee adigaa isoo wacay ayaa waxay caqabad ku noqotay wadahadaladii dhexmari lahaa labada dal ee lagu xalin lahaa khilaafka ba’an ee ka dhex aloosan wadamada khaliijka.

 

Sawirka:Newyorktimes

Readers Comments (0)

Comments are closed.