hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Xaflada Caleemo-saarka madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyay iyo guddi loo qabtay

February 14, 2017   //     //   News1519 Views

Qoraal kasoo baxay xafiiska Raysulwasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa lagu shaaciyay goorta ay dhacayso xaflada caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo gudigii maareyn lahaa qaban qaabada xaflada.

Raysulwasaare kuxigeenka ayaa magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban 6 wasiir kuwaas oo uu kala siiyay waajibaad shaqo.

Magacyada Guddiga

Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo loo xilsaaray gudiga adeega iyo diyaarinta goobta

Cabdirisaaq Cumar Axmed :Sugida Amniga

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odiwaa:Sugida Amniga

Axmed Cali Kediye:Habmaamuuska iyo xidhiidhka caalamiga

Maxamed Aadan Ibraahim(Farkeeti):Arimaha maaliyada

C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte:Xidhiidhiye

Siciid Xuseen Ciid:Diyaarinta Barnaamijyada

Maxamed Cabdi Xayir(maareeye):Warbaahinta iyo iclaamka

Waajibaadka guud ee gudiga 

Qaban qaabinta xaflada caleemo-saarka

Xidhiidhinta hay’adaha qaybta kuleh qaban qaabinta xaflada

Jaangooynta kharashka kubaxaya xaflada cleemo-saarka

Magacaabida xubnaha kamid noqonaya gudi hoosaadka farsamo ee fulinta iyo abaabulka xaflada caleemo-saarka

Sugida amniga goobta iyo guud ahaan magaalad Muqdisho

Kormeerida guddi hoosaadka farsamo ee fulinta iyo abaabulka munaasabada.

Munaasabada ayaa la sheegay inay dhacayso 22-ka Bishan February.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.