hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Xaaf iyo Waare oo soo gaadhay Kismaayo

October 8, 2017   //     //   News389 Views

awaare iyo xaafWaxaa goor dhaweyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo lagu soo dhaweeyay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Maxamed Cabdi Waare.Waxaa madaxdan garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlad goboleedka Jubaland.Labada madaxweyne ayaa loo galbiyay aqalka martida magaalada Kismaayo oo ah halka madaxda maamul goboleedyada loo qorsheeyay inay dagaan.

Waxaa hada la sugayaa in Kismaayo uu soo gaadho madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Shirka wada tashiga madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in galabta uu ka furmo aqalka martida ee magaalada Kismaayo.

Lama oga in dowlada dhexe wafuud usoo dirsan doonto shirka iyo in kale.

Readers Comments (0)

Comments are closed.