hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya oo ku sifoobay “Fiqi tolkii kama jana tago”(warbixin)

October 8, 2017   //     //   Media News, News4703 Views

lencho1

Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa ku dedaalaysa inay xal waara uhesho khilaafka soo noqnoqday ee udhaxeeyay dowlad deegaan ee DDSI iyo Oromiya.Kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac lagu wada hadashiiyay wuxuu ka dhacay xafiiska Raysulwasaaraha halkaas oo labada maamul lagu soo hordhigay warbixin Booliska Federaalku ka soo diyaariyay deegaanadii dhibaatooyinku ka dhaceen.

Warbixintii Booliska Federaalka waxaa kamid ahaa in qaybo kamid ah deegaanada kuyaala xuduuda labada maamul ay weli ka socdaan isku dhacyo iyo dagaalo goos goos ah.Kulankii ka dhacay xafiiska Raysulwasaaraha Itoobiya waxaa goob joog ka ahaa Raysulwasaare kuxigeenka Itoobiya Demeke Mekennon.

Qoraal la soo dhigay barta face book ee xafiiska Raysulwasaare Hailemariam Desalegn ayaa lagu sheegay in Raysulwasaaruhu labada maamul ku cadaadiyay in labada maamul ka wada shaqeeyaan xasilinta deegaanadaas iyo in dib udejina loo sameeyo dadkii barakacay.

Qaar kamid ah saxaafada ugu afka dheer Itoobiya ayaa shirkan iyo qoraal ku soo baxay bogga Cakaara News ka wareysatay wasiirka warfaafinta dowlada Itoobiya Negeri Lencho oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada,hadaba wasiirku muxuu sheegay?

Wasiirku wuxuu si cad oo caadifadi kujirto u eedeeyay Xukuumada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxyaabaha uu ku eedeeyayna waxaa kamid ah:-

1)In dadkii ku barakacay dhibaatooyinkii ka dhacay xuduuda ay tiradoodu kala ahayd 75 000 oromo ah iyo 392 Soomaali ah

2)In Raysulwasaare Hailemariam Desalegn uu cambaareeyay qoraalkii ka soo baxay xukuumada DDSI ee ku saabsanaa sababta ka dambeysa weerarada Oromadu ku hayaan Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya

3)In dadkii Oromada ahaa ee ka soo barakacay DDSI aysan soo barakicinin Soomaalidu balse barakicintoodu ay ka dambeeyeen kooxo la abaabulay waa sida uu hadalka udhigaye

4)In Oromadii soo barakacday ay sheegeen in sababta ay usoo barakaceen ay tahay xukuumada DDSI ay damaanad qaadi weyday amnigooda.

5) In tirada saxda ah ee ku dhimatay weeraradii dhacday ay ka duwan tahay tiradii horay loo sheegay

6) In dagaalada iyo isku dhacyadu ay wali meelaha qaarkood ka socdaan ciidamada booliska federaalkuna ay ku dedaalayaan sidii ay uxakameyn lahaayeen.

7) In Xukuumada DDSI loo sheegay inay faraha kala baxdo caqabadna aysan ku noqonin ganacsiga dibada ee dalka.Wasiirku wuxuu saxaafada usheegay in maamulka DDSI loogu baaqay inay joojiyaan barkantooralada ay ku faragelinayaan badeecada dalka ka dhoofaysa,wuxuu sheegay inuusan jirin maamul awoodaas lahaan kara isagoo xusan  in maamulka DDSI barkantaroolo ka sameeyay Baabili uu ku faragelinayo badeecada dalka ka dhoofaysa,wuxuu intaas ku daray in arintani ay tahay masuuliyada dowlada dhexe ee Itoobiya.

8) Ugu dambayntii wuxuu wasiirku xusay in dadkii barakacay guryahoodii lagu celin doona kuwii ku gurya beelay colaadihii dhacayna magdhow la siin doono.

Sida wareysiga wasiirka ka muuqata wuxuu ka baxay dhexdhexaadnimadii iyo inuu yahay wasiir federaal.Wareysigiisa marnaba ma uusan wax ka sheegin maamulka Oromada oo ah kan hada xiisada taagan bilaabay.Xasuuqii Awadaay Oromo  ayaa geysatay halkaas ayuuna dhibku ka bilowday marka in wasiirku sababta dhibka jira keentay soo hadal qaadi waayo eedayna dusha uga tuuro maamulka DDSI waa un “Fiqi tolkiis kama jano tago.”

Waxaad moodaa in Oromadu dal iyo dibadba isku mowqif ka yihiin dhibka ka taagan xuduuda udhaxaysa labada maamul.

Readers Comments (0)

Comments are closed.