hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Warbixin iyo sawiro ku saabsan booqashadii xoghayaha arimaha dibada UK ku tagay Muqdisho

March 16, 2017   //     //   News1707 Views

boris amisomXoghayaha arimaha dibada ee UK Boris Johnson ayaa shalay booqasho aan horay loo shaacinin ku tagay magaalada Muqdisho.Boris Johnson ayaa muda 7 saacadood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda qaranka,madaxda dowlad goboleedyada qaar,hay’adaha gargaarka,saraakiisha ciidamada AMISOM iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee haysta baasboorka UK.

Boris Johnson wuxuu booqasho ku tagay xarunta laga maamulo gargaarka loogu talagalay abaaraha dalka Somalia,xarun lagu tababaro ciidanka SNA oo ay maalgeliso dowlada UK.Wuxuu sidoo kale booqday xarun lagu tababaro xeer ilaaliyeyaal cusub oo ay maalgeliso dowlada UK.Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu wax ka raray gargaar kayimid dalka UK oo loo daabulayay gobolada dalka.

Boris Johnson wuxuu madaxda Soomaalida ku wargeliyay kuna marti qaaday inay kasoo qeyb galaan shirka arimaha Soomaalia looga hadli doono ee bisha May ka dhici doona magaalada London.Wuxuu sheegay in UK lacag dhan £110 milyan ugu deeqday abaaraha Somalia.

Booqashadiisa magaalada Muqdisho kadib wuxuu booqan doonaa dalalka Uganda,Ethiopia iyo Kenya wuxuuna kala hadli doonaa shirka arimaha Soomaaliya ee London,arimaha amniga ee gobolka iyo shirka commonwealth countries ee sanadka 2018 la qaban doono.Hoos ka daawo sawiradii booqashada xoghayaha arimaha dibadda UK ee Somalia

boris amisomboris amisom1

boris amisom2

boris

boris1
boris3

boris5

boris6

boris7

boris8

boris9boris10

boris11

boris12

boris13

Readers Comments (0)

Comments are closed.