hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

War-saxaafadeedka Xukumada Somalia oo khilaafsan qoraal kasoo baxay dowlada Itoobiya

September 7, 2017   //     //   News1546 Views

War-saxaafadeedkii kasoo baxay dowlada Somalia ayaa wuxuu khilaafay qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda oo looga hadlay arinta Cabdikariin qalbidhagax.Dowlada Somalia waxay warsaxaafadeed ku sheegtay inay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ugacangelisay maadaama ay jiraan heshiisyo horay udhexmaray dowlada Somalia oo dhigaya in la iska kaashado la dagaalanka iyo cidhib tirka kooxaha Alshabaab iyo ONLF.

Qoraal kasoo baxay wasaarada arimaha dibadda Ethiopia ayaa lagu sheegay in Cabdikariin si iskiisa uga soo goostay ururka ONLF dalkiisana dib ugu soo laabtay iyadoo doorka dowlada Somalia uu ahaa fududeyn.

Ethiopia waxay umahadcelisay dowlada Somalia doorkii fududeynta ahaa ay ka ciyaartay soo laabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse qalbidhagax.Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Cabdikariin uu yahay muwaadin Itoobiyaan ah oo watay baasboor Itoobiyaan ah.Warka wasaarada arimaha dibadda  halkan ka akhriso.War-saxaafadeedka dowlada Somalia halkan ka akhriso

Arinta dhiibida Cabdikariin qalbidhagax ayaa laf dhuun gashay ku noqotay xukumada Farmaajo waxayna ku noqotay mus ay galaan dadyoow badan oo ujeedooyin kala duwan leh.

Readers Comments (0)

Comments are closed.