hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

UK:Fadeexad ku soo baxday wasiirada Horumarinta Caalamiga

November 8, 2017   //     //   News703 Views

patelRa’iisulwasaaraha dalka UK Theresa May ayaa laga yaabaa inay xilka ka qaado wasiirada horumarinta caalamiga Ms Priti Patel kadib markii ay ku soo baxday fadeexada ah inay si qarsoodi ah ula kulantay masuuliyiin katirsan xukumada Isreal ah oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaaraha Isreal Benyamin Netanyahu xili ay ufasax ujoogtay Israel.

Kulamadaas oo dhacay bishii August ee sanadkan ayaa ahaa kuwo qarsoodi ah oo aysan la soconin wasaarada arimaha dibada ee UK.

Markii ay fadeexadani soo shaac baxday waxa ay Ms Patel la kulantay Theresa May iyadoo uga cudur daarantay khaladka ay gashay.Cudur daarashadaas kadib ayaa hadana waxaa soo baxday xog cusub oo sheegaysa in Ms Patel la kulankeedii Theresa May ay ka qarisay laba kulan oo kale oo bishii September ay la yeelatay masuuliyiinta Israel.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Ms Patel oo shaqo ugu maqnayd Uganda lagu amray in dalka ay dib ugu soo laabato waxaana loo badinayaa in xilka laga eryi doono.

Readers Comments (0)

Comments are closed.