hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Turkiga oo 10 milyan oo doolar ugu deeqay dowlada Somalia

April 21, 2017   //     //   News628 Views

turkeyDowlada Turkiga ayaa dowlada Somalia ugu deeqday 10 milayn oo doolar oo ah kab lagu kabayo miisaaniyada dowlada fadaraalka Somalia.Lacagtan oo lagu shubay bangiga dhexe ee Somalia ayaa la sheegay inay tahay kab miisaaniyadeed 5 bilood ah iyadoo bilkasta Turkigu bixiyay kab dhan 2 milyan oo doolar.

Raysulwasaaraha xukumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahad celiyay deeqda uga timid dalka Turkiga wuxuuna sheegay in Turkigu yahay walaal dhab ah oo fahamsan duruufaha dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.Raysulwasaaruhu wuxuu xusay in kabkan uusan wada dabooli karin baahida dowlada iyo tan shacabka balse uu yahay billoow wanaagsan oo wax taraya isagoo dalalka kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan kabka miisaaniyada dowlada inta dowladu ka gaadhayso isku filnaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Talaabada uu qaaday Turkiga ayaa ku soo beegantay iyadoo wax ka yar bil ay ka hadhsantahay shirka London oo lagu soo xoorin karo inuu yahay shir lagu yareynayo saameynta Turkiga ee Somalia.

Readers Comments (0)

Comments are closed.