hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Trump:Safaarada Mareykanka ee Telaviv waxaan uwareejinayaa Qudus

December 5, 2017   //     //   News401 Views

(AP Photo/Eitan Hess-Ashkenazi, File)Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khadka telefoonka kula soo xidhiidhay boqorka Urudun wuxuuna usheegay inuu damac sanyahay in safaarada Mareykanka ee Telaviv uwareejinayo magaalada Qudus.Qoraal ka soo baxay qasriga boqortooyada Urdun ayaa lagu sheegay in boqor Cabdalla Trump usheegay in hadii arintaas dhacdo ay cawaaqib xumo uhorseedi doonto nabada iyo xasiloonida gobolka.Waxa uu intaas ku daray in arintaas ay caqabad ku noqon doonto dedaalada Mareykanka ee ku aadan dib usoo noolaynta wadahadalada nabada ee Carabta iyo Israel.Dhinaca kale waxa uu boqor Cabdalla u ifiyay Trump in arintani xasarad ka dhex kicin doonto Muslimiinta iyo Kirishtaanka.

Trump ayaa la dhacsan sheegashada Israel ay ku sheegaynayso magaalada Qudus taas oo ah mid ka hor imaanaysa siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka oo ahaa in mustaqbalka magaalada Qudus laga wada xaajoodo.

Sawirka:AP

Readers Comments (0)

Comments are closed.