hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Trump oo Qudus u aqoonsaday caasimada Israel iyo dunida Islaamka oo guuxday

December 7, 2017   //     //   News275 Views

SAWIRKA TRUMPMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah aqalka cad uga dhawaaqay in magaalada Qudus u aqoonsaday caasimada Israel.Wuxuu Trump sidoo kale shaaciyay in safaarada Mareykanka uu ka rari doono Telaviv una rari doono Qudus.

Talaabada uu Trump ku dhaqaaqay ayaa waxa ay ka careysiisay dunida Islaamka.Turkiga Pakistan,Sacuudi Carabiya,Urdun,Jaamacada Carabta ayaa si isku mid ah u cambaareeyay talaabada cadaala darada ah ee uu ku dhaqaaqay Donald Trump.

Faransiiska,UK iyo Jarmalka ayaa sheegay inaysan taageersanayn talaabada uu ku dhaqaaqay Donald Trump.

Falastiniyiin cadhaysan ayaa sawirka Trump iyo calanka Yuhuuda ku gubay marinka Gaasa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.