hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

TPLF:Xaaskii Meles Zenawi oo la eryay iyo madaxweynaha kilalka Tigraay oo xilkii laga qaaday

November 30, 2017   //     //   News2454 Views

azeeb-mesfinGudiga fulinta iyo golaha dhexe ee Ururka TPLF oo isugu yimid kulan aan caadi ahayn ayaa lagu go’aamiyay in gudiga fulinta laga saaro siyaasiyiin muda dheer rukumo u ahaa ururka .

Masuuliyiinta xilalkii laga qaaday waxaa kamid ah:

1) Madaxweynaha Kilalka Tigraay ahaana gudoomiyaha ururka TPLF Abay Woldu oo laga qaaday gudoomiyanimadii ururka lagana saaray gudiga fulinta
2)Azeb Mesfin xaaskii uu ka geeriyooday Meles Zenawi oo si kumeelgaadh ah looga qaaday dhamaan xilalkii ay ka haysay ururka
3)Beyene Mikru oo ahaa xubin aad ugu dhow Azeb Mesfin oo laga eryay gudiga fulinta

Waxaa la sheegayaa in Azeb Mesfin laga eryay dhamaan xilalkii ay ururka ka haysay kadib markii
ay ka baxday shirkii oo socda.Waxaa jira warar sheegay in Azeb Mesfin shirka isaga baxday kadib markii ay saluugtay qaabkii uu shirku usocday.

Dhinaca kale waxaa gudoomiyaha ururka TPF loo doortay Debretsion Gebremichael ahna wasiirka ICT ee xukumada Ethiopia.Waxaa gudoomiye kuxigeenka ururka loo doortay Fetlework Gebreegziabhe.Waxaa boosaskii ay baneeyeen xubnaha la eryay iyo booskii Tedros lagu buuxiyay afar xubnood oo cusub kuwaas oo lagu soo daray gudiga fulinta ee ururka TPLF.Xubnahan cusub waxay kala yihiin:-

Asmelash Woldesellasie, Getachew Reda, Keria Ibrahim iyo Abraham Tekeste.

Shirkan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee uu yeesho ururka TPLF tan iyo khilaafkii cuslaa ee 2001-gii ururka ukala jabiyay laba koox.Lama oga in isbadalkani cusub ee ururka lagu sameeyay saameyn lamid ah tii dhacday 2001 yeelan doono iyo inkale.

Readers Comments (0)

Comments are closed.