hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Somalia dani ma ugu jirtaa loolanka Ingiriiska iyo Turkiga?

May 11, 2017   //     //   Media News, News4436 Views

erdogan vis willium

Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogeysanaya loolanka UK iyo Turkigu ugu jiraan hanashada Somalia siyaasad,amni,diblomaasiyad iyo dhaqaale ahaan.Waxaan jeclaystay bal inaan fikirkeyga la wadaago shacabka Soomaaliyeed waxogaa yarna ka ifiyo loolanka sii laba kacleenaya ee dowladaha UK iyo Turkigu ugu jiraan Somalia iyo waxa uu ku salaysan yahay .Qormadan waxaan ku eegi doonaa goorma ayuu loolankan bilowday muxuuse ku salaysan yahay? iyo ugu dambayn Soomaaliya dan ma ugu jirtaa loolanka xowliga ku socda ee ka dhaxeeya labada dal.

Goorma ayuu bilowday loolankani?

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan oo markaas ahaa Raysulwasaare ayaa Bishii August ee sanadkii 2011 booqasho lama filaan ah ku tagay Somalia xili caalamku deeriyay Somalia ayna dhexda ugujirtay dagaal sadax dhabanle ah oo isugu jiray colaad,cudur iyo caydhnimo.Madaxweyne Erdogan wuxuu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee ka baxsan qaarada Afrika ee muda 20 sano ah booqasho kutaga magaalada Muqdisho isagoo booqashadiisaas usababeeyay laba arimood oo kala ah inuu muujiyo in la tagi karo Muqdisho caalamkuna ku daydaan iyo inuu gargaar ufidiyo walaalahooda Soomaaliyeed.Dhowr arimood oo balan qaad ah ayuu Erdogan xiligaas  sameeyay waa qodobka koobaade in Somalia uu ka furan doono safaarad uqumta hawlaha gargaarka iyo in Turkigu uu ku nagaan doono Somalia marnaba uusan dayici doonin walaalahooda Soomaaliyeed.Waa su’aale Turkigu ma ka dhabeeyay balan qaadkaas jawaabtu waa HAA?Laga soo bilaabo xiligaas madaxda dalka Turkigu booqasho kala duwan ayay ku yimaadeen Somalia kuwaas oo xambaarsanaa istaraatijiyad dhaqaale,kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwo bini-aadamnimo.

Sooyaalka Waxqabadka Turkiga
Hawlgelintii duulimaadyada diyaarada Turkish Airlines ee Istanbul-Muqdisho
Dhismaha,dayactirka iyo balaadhinta garoonka iyo dekadda magaalada Muqdihso
Dayactirka iyo dib uhabaynta isbitaalkii Digfeer.
kabida miisaaniyada dowlada
Bixinta raashiin gargaar ah
Deeq waxbarasho
Tababarida qeybo kamid ah ciidanka militeriga Somalia
Balanqaad dhisme saldhig militeri oo lagu tababaro militeriga Somalia.
F:G:Marka laga soo tago gargaarka bini-aadamnimo mashaariicda horumarineed ee Turkigu fuliyay waxay ku egyihiin caasimada Somalia ee Muqdisho.

Ingiriiska iyo kusoo biiritaankiisi loolanka

Xoghayihii arimaha dibadda ee UK Willium Hague ayaa Bishii Febaraayo ee sanadkii 2012 booqasho lama filaan ah ku tagay Muqdisho.Booqashadan ayaa dhacday 5 bilood kadib booqashadii madaxweynaha Turkigu ku tagay magaalada Muqdisho.Willium Hague wuxuuna Muqdisho ka sheegay in UK Soomaalida shir ugu qaban doonto magaalada London kaas oo ay ka qeybgeli doonaan in kabadan 40 dal.Ujeedada qabashada shirkan ayuu Ingiriisku ku sheegay  wax ka qabashada amniga,la dagaalanka budhcad badeeda iyo dhismaha dowladnimada Somalia.

Maxaa sababay in 20 sano kadib Ingiriisku daneeyo arimaha Somalia?

Booqashadii Erdogan e Somalia waxay dhacday August 2011,shan bilood kadib waxaa ku xigtay booqashadii xoghayaha arimaha dibadda ee UK Willium Hague. Dhowr arimood ayaa loo sababeeyaa danaynta uu Ingiriisku daneenayo arimaha Somalia.Arinta koobaad waa badhifurka istaraatijiyada Turkiga ee Somalia,arinta labaad waa arinta khayraadka Somalia waxaana qaybtan masuul uga ah shirkada SOMA OIL & GAS arinta sadaxaad waa arinta la dagaalanka iyo ka hortaga kooxaha Islaamiyiinta Somalia.Warbixin uu soo saaray madaxa hay’ada sirdoonka UK ee MI5 Jonathan Evans sanadkii 2010 ayuu ku xusay khatarta Somalia uga imaan karta Ingiriiska,wuxuuna ka digay weeraro ka dhaca gudaha Ingiriiska oo ay fuliyaan  dhalinyaro tababaro ciidan kusoo qaatay Somalia,warbixintaas kadib Ingiriisku  wuxuu Somalia udiray ciidan kooban oo isugu jira sirdoon,saraakiil iyo askar caadi ah si looga hortago khatarta warbixinta lagu xusay.

Maxaa cadayn u ah in Ingiriisku Badhi furayo istaraatijiyada danaha Turkiga ee Somalia?

Talaaba kasta oo uu qaado Turkigu waxaa daba socota mid kasoo horjeeda oo uu Ingiriisku qaaday.Tusaale Turkigu wuxuu iclaamiyay inuu saldhig weyn oo militeri ka furi doono Somalia kaas oo Soomaalida loogu tababari doono ciidan militari oo xoog leh.Ingiriisku wuxuu iclaamiyay inuu maalgelin doono ciidan militari oo ka kooban 18 kun oo keliya oo laga soo qori doono dhamaan dowlad goboleedyada Somalia waana arinta ugu muhiimsan ee loo qabanayo shirka London.Talaabada Ingiriisku qaaday waxay lid kutahay mida Turkiga waxaana loo fasiran karaa in Ingiriisku doonayo in istaraatijiyada amniga Somalia laga hoos bixiyo Turkiga lana yareeyo saameynta militari ee uu kuyeelan karo Somalia.

Turkigu wuxuu ka qeyb qaatay gurmadka abaaraha Somalia wuxuuna Somalia usoo diray gargaar isagoo adeegsanayo diyaarada Turkish Airlines.Sidoo kale Ingiriisku wuxuu ka qeybqaatay gurmadka abaaraaha wuxuuna maalgeliyaa barnaamij lagu quudiyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Turkigu wuxuu iclaamiyey inuu kabayo miisaaniyada dowlada fadaraalka Somalia,wuxuuna ugu deeqay 10 malyan oo doolar maalmo kadib Ingiriisku wuxuu shaaciyey in lacag dhan 21 malyan oo giniga Ingiriisiga ah ugu deeqay xasilinta Somalia.Waxaa xusid mudan in deeqaha Turkiga bixiyo iyo kuwa Ingiriisku  kala duwan yihiin Turkigu lacag kaash ah ayuu dowlada Somalia siiyaa halka Ingiriisku lacagta sii mariyo hay’adaha samafalka ee Ingiriiska.

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayipp Erdogan wuxuu dalkiisa ugu yeedhay madaxweyne Farmaajo waxayna ubadantahay in madaxweyne Farmaajo lagala hadlayo shirka London iyo ujeedooyinka ku xeeran.

Somalia dani ma ugu jirtaa loolanka Ingiriiska iyo Turkiga?

Shaki kuma jiro in dowlada Somalia ubaahantahay deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee uga imaanaya labada dal hadana waaqici uma aha  inay wada qanciso Ingiriiska iyo Turkiga ayna fuliso danaha ay ka leeyihiin Somalia.Madaxda Somalia waxaa hortaala howl adag oo ubaahan maskax shiil iyo in si miisaaman loo daraaseeyo danaha labada dal.Marka labada dowladood la isbarbardhigo Turkiga ayaa ukhatar yar Somalia sababtoo ah istaraatijiyada Turkigu ma aha mid wax udhimaysa madaxbanaanida iyo qaranimada Somalia waxaa laga yaabaa in ujeedada Turkigu ku koobantahay dhaqaale iyo saameeyn kuyeelo siyaasada Somalia oo kaliya halka danaha Ingiriisku  uu ka leeyahay Somalia ay tahay mid intaas ka qota dheer  oo saameyn laleh in la abuuro Somalia cusub oo dhan kasta ka xayndaaban kana khaanadaysan(dhanka siyaasada,tacliinta,awooda ciidanka,dhaqaalaha,arimaha diinta,arimaha qooyska,xidhiidhka dowladaha deriska iyo khayraadka).

Maxaa xal ah?

Ingiriisku waa dal muhiim ah oo xubin ka ah Golaha amaanka ee qaramada midoobay waa muhiim in  dhinaca lagu hayo laakiin hogaanka Somalia waxaa looga baahanyahay aragti dheer oo leh istaraatijiyad dheelitiran Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waan baahanahay bakhtiga looma cuno waa inay feejignaadaan oo si degan umiisaamaan qorsheyaasha laga leeyahay kuna miisaamaan maxaa Somalia xal u ah mustaqbalka fog iyo kan dhow.Maah maah Ingiriis ah ayaa odhanaysa”Afriend in need is a friend in deed” Saaxiibkaaga runta ah waa midka ku garab istaaga marka aad ugu baahi badantahay sidaas darteed waa in madaxda Soomaaliyeed aysan marnaba dhabarka ujeedinin Turkiga laakiin Turkiga haloo sheego in mashaariicda horumarineed wada gaadhsiiyo dalka oo dhan.

Dhanaanmedia@gmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.