hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shirkii madaxda maamul goboleedyada oo furmay iyo khudbado socda

October 8, 2017   //     //   News1229 Views

IMG-20171008-WA0005shirka kismaayo1Waxaa goor dhaweyd magaalada Kismaayo ka furmay shirkii madaxda maamul goboleedyada Soomaliya.Shirka oo jawi wanaagsan ku furmay ayaa waxaa furay madaxweynaha shirka marti geliyay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer jeediyay.Shirka waxaa daadihinaya agaasimaha madaxtooyada Jubaland Abshir Maxamed Coloow.

Nuxurka khudbadii madaxweynaha Jubaland waxaa kamid ahaa:-

*In shirkan uu yahay shir maslaxad u ah Soomaaliya danta laga leeyahayna ay tahay maslaxo iyo isa sixitaan

*Shirkan danta Soomaaliyeed ayaa kujirta

*Wixii saxaafad la isaga jawaabi lahaa in inagoo ishorfadhina isu jawaabno ayaa loo baahanyahay.

*Wadanku wuxuu maanta kujiraa wadatashi,wadahadal mana gaadhin xili amaro.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa nuxurka khudbadiisa waxaa kamid ahaa inaanu shirno cidina fasax uga qaadan mayno.

Sida qorshuhu yahay shirka waxaa ka hadli kara oo kaliya shanta madaxweyne.

Readers Comments (0)

Comments are closed.