hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shirkii madaxda dowlad goboleedyada oo la soo afmeeray iyo warmurtiyeedkii…

October 11, 2017   //     //   News1182 Views

shir kismaayo1Waxaa si rasmi ah loo soo afmeeray shirkii madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ee ka socday magaalada Kismaayo.Shirkan oo furmay 08/10/2017 ayaa diirada lagu saaray ismaandhaafka udhaxeeya dowladaha fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee ku aadan khilaafka dalalka khaliijka iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Somalia.Qodobadii warmurtiyeedka ku soo bixi lahaa ayay madaxdu isku hayaan.Qodobada ay ubadan tahay in warmurtiteedka ku soo baxaan waxaa kamid ah:-

In dowlad goboleedyadu ka fiirsanayaan xiriirka dowlada fadaraalka inta laga xalinayo hawlaha fadaraalka iyo dastuurka dalka maadaama dowlad goboleedyadu u arkaan dowlada fadaraalka mid ushaqeynaysa sidii dowlad dhexe oo kale.

Xeerarka iyo sharciyada ku saabsan fadaraalka iyo arimaha dastuurka waa in la hakiyaa inta dhinacyadu ka wada hadlayaan.

Waxaa sidoo kale jira qodob warmurtiyeedka hada kujira balse ay socoto doodiisu in laga saaro kaas oo ah in dowlad goboleedyadu xiriirka ujaraan dowlada dhexe.

Warmurtiyeedkii shirka ayaa soo bixi doona 12:30 saacada geeska Afrika hadii Alle idmo.

Readers Comments (0)

Comments are closed.