hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shirkii isgaadhsiinta ee DFS iyo DG ee Kismaayo oo fashilmay(warbixin)

July 23, 2017   //     //   News925 Views

2Shirkii magaalada Kismaayo uga socday Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ee ku saabsanaan sharciga isgaadhsiinta Soomaaliya ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii wasiirka boostada,isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadu uu isagoo la tashinin dowlad goboleedyada hindise sharciyadeed aan loo dhameyn ugudbiyay golaha wasiirada sidaasna lagu ansixiyay.Hadaba maxay tahay qodobada la isku haysto ee wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta iyo dowlad goboleedyadu ku kala boodeen.

  1. Wasiirka waxaa lagu qabsaday inuu isbeen fariimay oo golaha wasiirada usheegay in hindise sharciyeedka uu usoo gudbiyay raali kayihiin dowlad goboleedyadu.
  2. Inay jiraan qodobo badan oo danta dalka iyo dadkuba  kujirto oo ubaahnaa in dib loo dhigo balse golaha wasiirada la mariyay,qodobadaasna waxaa kamid ah
  3. Maadaama wadatashigii oo weli aan dhamaan, DG oon lagala tashana  uu Wasiirka WBIT Mudane Cabdi Canshuur Xasan u gudbiyay GW  kuna andacooday in dhamaan DG ay raali ka yihiin nuqulka uu ka ansixiyay sidaasna lagu ansixiyay, ayna jiraan qodobo badan oo uu baahnaa in loo dhigo si danta Dalka, Dadka & Diintuba ku  jirto ayna haba yaraatee dhicin sida:
  4. In  +252 inay tahay Hanti Qaran laguna soo celiyo gacanta DFS oo matasha Shacabka Soomaaliyeed & DG xubnaha ka ah DFS, iyadoo waliba ay ahayd in si cad loo dul-is-taago qodobkan oo aan haba yaraatee daahsaarnayn lana qeexo goorta iyo sida loogu soo celinayo hantidan oo ku jirtay gacanta shirkado gaar ah oo ka faa’iidey intii bur-burka Dowladnimo ay jirtay. Sidoo kale sida laga yeelayo lacagihii horey ay uga heleen hantida Ummadu leedahay, kuwa hada ay ka sameeyaan iyo mustaqbalka intaba.
  5.        In DOTSO si cad loogu xuso inay tahay Hanti Qaran, looguna soo celiyo gacanta Dowlada Dhexe oo leh mas’uuliyada 1aad ee Dalka & Dadka Soomaaliyeed sida ugu dhakhsaha badan oo weliba mudaysan. Maadaama ay sumadan qaran ee DOTSO doorka ugu muhiimsan ee ay leedahay ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn:
  6.        Xafidaada sirta Dowlada & dadka Soomaaliyeed.
  7.       Sugida Amaanka dalka & dadka.
  8.       Ilaalinta anshaxa, akhlaaqda, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed & kan Islaamka labadaba iwm.
  9. Inay tahay waajib qaran in si deg deg ah loo magacaabo Gudi Qaran oo lagu soo xulay hufnaan, karti, aqoon, waaya-aragnimo, daacadnimo & Soomaalinimo oo ka soo celiya shakhsiyaadka gaarka ah intii mudo ahaydba xaaraanta ku haysta kuna maamusha kuna soo celiya gacanta Dowlada Dhexe si sharciga dalka & dunidaba waafaqsan oo aan xeer jajab ahayn. Gudigaas oo noqda mid marka la soo wareejiyo u maamul sida ugu haboon ee waafsan qodobadaas kor ku xusan & kuwii kalee muhiim u ah isticmaalka saxda ah ee adeegani leeyahay.
  10.        In Hay’adda Isgaarsiinta loo badalo Gudi ka mid ah gudiyada madaxa banaan ee Qaranku leeyahay oo xubnihiisa ay soo magacaabaan Madaxda Sare ee Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Qaranka Mudana Maxamed C/hi Farmaajo. Xubnaha Gudigan noqdaan kuwo lagu soo xulay hufnaan, karti, aqoon, waaya-aragnimo, daacadnimo & Soomaalinimo oo ka kala yimaada dalka oo dhan laakiin aan ku salaysnayn 4.5 iwm, kadibna nidaam & xeer cad oo laysku raacay gudigaasi ku soo shaqaaleeyaan shakhsiyaadkii wadi lahaa howl maalmeedka Commission kaas 100% madax banaan howlaha Qaranku u igmaday iyagoon uga cabsanayn ugana haybaysanayn gudashada xilkooda sida gudiyada kale ee madaxa banaan ee ka jira dalka & dunida labadaba.
  11. Maadaama dalkani qaatay nidaam ku dhisan wada-tashi oo waliba wadar-ogol ah, marnaba ma haboona in si deg deg ah oo kaligii tashi ah lagana leeyahay dano gaar ah oo aan ka tarjumaynin ilaalinta & xaqiijinta Danta Dalka, Dadka & Diinta lagu hogaamiyo hay’daha muhiimka ee Qaranka sida WBIT & Sharci horseed u noqonaya hagaajinta & horumarinta Masiirka Umadda. Talaabooyinka uu ilaa hada qaaday Wasiir Cabdi Canshuur Xasan ilaa & maalintii loo magacaabay xilkan ilaa maantadaas la joogo dhamaantood waa kuwa horseedaya in Dowlada Dhexe & DG xubnaha ka ah ay isku dhacaan, layska horkeeno shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanayay diiftii & darxumadii dagaalka sokeeye & qaab daradii ragaadisay Umadan, Sharcigan oo lagama maar-maan u ah dalkan horumarkiisa & soo celinta sareynta sharcigaba uu xagal daac weyn galinayo iyadoo ay ka muuqato talaabo kasta oo Wasiirkani qaaday inuuna marnaba rabin sharcigani inuu hirgalo sidaas darteedna oo xaalad adag galinayo Dalka.
  12. Hadaba anagoo ah Wasiirada Dowlad Goboleedyada Dalka waxaan si cad halkan ugu cadaynaynaa in haba yaraatee aan wax wada shaqeyn la yeelan karin maanta wixii ka bilowda DFS si gaar ahna u khuseeya howlaha Isgaarsiinta & Sharciga Isgaarsiinta labadaba inta uu xubin ka yahay Golaha Wasiirada Mudane Cabdi Canshuur Xasan WBIT lagana saxayo khaladaadka uu ka galay Dalka & Dadka Soomaaliyeed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.