Xaysiis
digg icon delicious icon

Shirkii EPRDF oo soo gebagaboobay

December 29, 2017   //     //   News2434 Views

eprdfWaxaa maanta soo gebagaboobay shirkii xasaasiga ahaa ee mudada 18ka maalmood ah usocday ururka haya talada dalka Ethiopia ee EPRDF.Waxaa la sugayaa in maalinta berri ah ururku shaaciyo warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka.

Qodobada hordhaca ah ee shirka ka soo baxay waxaa kamid ah in gudoomiyihii is casilay ee baarlamaanka Abadula Gemeda lagu qanciyay inuu is casilidii ka noqdo kuna laabto shaqadiisi,waxaa sidoo kale isna is casilidii ka noqday Bereket Simon.

Shacabka Itoobiya ayaa aad ugu dhag taagaya warmurtiyeedka laga soo saari doono shirka gudiga fulinta ee EPRDF oo ku soo aaday xili dalku marayo meel xasaasi ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.