hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shirkii Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay(SAWIRRO)

December 3, 2017   //     //   News601 Views

Shirkii amniga qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03 December 2017 ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa  kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamuud Guulleed Khadar,Madaxweynaha Puntland  Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Masuuliyiin ka tirsangoleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Taliska Ciidamada Qalabka sida ee Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka Amniga qaranka ayaa looga hadlay arrimo la xidhiidha Amaanka, waddashaqaynta hay’addaha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah DFS, cidhibtirka kooxaha argagixisada ah ee cadawgaSoomaaliyeed iyo qaabaynta guddifarsamo oo ka shaqeeya iskudhafka ciidamada qaranka.
Sidoo kale Shirka Amniga Qaranka ee manta furmay ayaa waxaa looga hadlay isku dhafka ciidamada qaranka, ajandaha shirkaMadaxda qaranka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 4 December 2017 ka furmidoona, kaas oo looga hadlayo arrimo khuseeya Amaanka.

Ugu danbayn, shirka u dhexeeya Madaxda qaranka Soomaliya iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga arrisandoonaa arrimo la xidhiidha amniga Soomaaliya, isla markaana waxa ka qayb gelidoona madax ka socota beesha caalamka iyo Madaxda qaranka Soomaliyeed.unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13)

Readers Comments (0)

Comments are closed.