hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shir udhaxeeya dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

April 15, 2017   //     //   News748 Views

FB_IMG_1492264964141Waxaa maanta xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ka furmay shir udhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyada.Shirkan Waxaa furay madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana goobjoog ka ah Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre.Ajandaha shirka looga hadlayo ayaa lagu sheegay sadax qodob oo kala ah
1)Xoojinta xidhiidhka dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada
2)Xoojinta amniga dalka
3)Iyo sidii ajande midaysan loola tagi lahaa shirka London.

Gebagabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmuritiyeed ku saabsan qodobadii laga wada hadlay.

Waa shirkii ugu horeeyay ee dhexmara dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.