Xaysiis
digg icon delicious icon

Sheekh Salmaan oo 4 bilood uxidhan xukumada Sacuudiga

January 7, 2018   //     //   News2784 Views

cawdahaSheekh Salmaan Al-Cawdah oo kamid ah culimada ugu caansan boqortooyada Sacuudiga ayaa muda 4 bilood ah uxidhan xukumada Sacuudiga kadib markii boggisa twitterka uu ku soo qoray duco uu ilaahay kaga baryayo in quluubta madaxda carabta ee is khilaafsan ilaahay isu soo dumo.

Hay’ada udooda xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in 17 kamid ah qooyska Sheekha la saaray xanibaad xaga socdaalka ah.

Xukumada Sacuudiga ayaa bishii September xabsiga utaxaabtay Sheekh Salmaan ilaa iyo hadana wuxuu xidhan yahay isagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin.

Qooyska Sheekha oo wareysi siiyay hay’ada xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Sheekha la xidhay kadib markii uu diiday amar uga yimid xukumada Sacuudiga oo ahaa inuu sii daayo qoraal uu ku taageerayo cunaqabataynta Sacuudigu ku soo rogay dalka Qadar.

Sawirka:Marwan Almuraisy

Readers Comments (0)

Comments are closed.