hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Sheekh Salmaan Cowda maxaa lagu xidhay?

September 12, 2017   //     //   News759 Views

salmaan cowdahXukuumada Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa inay  xabsiga dhigtay Sheekh Salmaan al-Cooda oo ah Sheekh caan ka ah caalumul-Islaami.Wararku waxay sheegayaan in Sheekha lagu xidhay erayo duco ah oo uu soo dhigay bartiisa twitterka.Wararku waxay intaas ku darayaan in kadib markii uu soo baxay wararkii sheegayay in madaxda Qadar iyo Sacuudigu khadka telefoonka ku wada hadleen uu bartiisa twitterka soodhigay duco  uu madaxda Qadar iyo Sacuudiga ugu duceenayo in Ilaahay quluubtooda isu soo dumo.

Waxaa sidoo kale hawada  kamaqan website-kii Sheekha ee Islamtoday.Ma aha markii ugu horeysay ee Xukuumada Sacuudigu xabsiga dhigto Sheekh Salmaan.Sheekha ayaa kamid ahaa culimo dhowr ah oo Sacuudigu xabsiyada utaxaabeen sanidihii 1994 ilaa iyo 1999 kadib markii ay ka hor yimaadeen siyaasadii xukuumada Sacuudiga ee xiligaas.

Sheekha Salmaan waa Sheekh taageero badan kuleh caalamu Islaami,dad gaadhaya 14 malyan ayaa ku xidhan bartiisa twitterka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.