hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shacabka Turkiga oo udareeray goobaha codbixinta iyo madaxweyne Erdogan oo codeeyay

April 16, 2017   //     //   News627 Views

erdogan codayn

Shacab weynaha Turkiga ayaa saaka udareeray goobaha codbixinta si ay ugu codeeyaan haa ama maya aftida loo qaadayo waxkabadalka 18 qodob oo kamid ah dastuurka dalka,hadaba maxaad kala socotaa aftida maanta ka dhacaysa dalka Turkiga.

Nuxurka Aftida loo codeeynayo

Shacabka Turkiga ayaa waxay ucodeynayaan 18 qodob oo kamid ah dastuurka dalka oo Baarlamaanku wax kabadal ku sameeyay.Qodobadan waxaa ugu muhiimsan in laga guuro nidaamka dowladeed ee baarlamaaniga ah loona guuro nidaamka awooda fulinta siinaya madaxweynaha.In tirada kuraasta baarlamaanka oo hada ah 550 laga dhigo 600, in da’da xildhibaanka lagu noqon karo laga dhigo 18 jir halka hada ay ka tahay 25 jir.In doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanku ay isku mar dhacaan shantii sano mar laga bilaabo 2019.In la tirtiro makamadaha militariga.

Tirada dadka codeynta udiwaangashan

In ka badan 55 malyan oo Turki ah ayaa lagu wadaa inay ka qeyb qaataan codeynta,waxayna ka codeynayaan 167000 goobood.Hal malyan oo kamid ah dadka codbixinta isu diwaangeliyay  da’adoodu waa 18 jir. Dad dhan 2.9 malyan oo qurbajoog Turki ah ayaa codkoodii dhiibtay  27/03/2017 ilaa iyo 09/04/2017.

Qaabkee loo kala taageersan yahay aftida? 

Xisbiga haya talada dalka ee AKP iyo xisbiga mucaaradka ah ee MHP waxay  taageersanyihiin in aftida HAA loo codeeyo halka xisbiga ugu weyn xisbiyada mucaaradka ee CHP uu taageersan yahay in aftida MAYA loo codeeyo.

Dastuurka Turkiga  ee wax laga badalayo waxaa la sameeyay 1983 kadib afgambigii militari ee dalka ka dhacay 1980kii.Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa muda dheer ufikiriyay in dastuurka dalka wax laga badalo waxayna la soo gaadhay maanta oo ay rajeynayaan in riyadoodii ay rumowdo.

Sawirka:Anadolu

Readers Comments (0)

Comments are closed.