hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shacabka IRAN oo maanta kala dooranaya Roohaani iyo Ra’iisi

May 19, 2017   //     //   News794 Views

iran

Dalka IRAN waxaa maanta ka dhacaysa doorasho guud oo lagu dooranayo madaxweynaha xiga ee dalka IRAN.Dad ka badan 56 malyan ayaa qaatay kaadhadhka codeynta waxayna ka codaynayaan 63,500  oo xarumood.Doorashadan waxaa ku tartamaya madaxweynaha hada xilka haya Xasan Roohaani iyo Ibraahim Ra’iisi.Codbixinta ayaa socon doonta ilaa iyo lixda maqribnimo ee saacada IRAN oo ku beegan 13:30 GMT.

Guushu waxay raacaysaa mushraxa hela wax kabadan 50% codadka la riday,hadii musharaxna uu heli waayo wax ka badan 50% waa lagu celinayaa doorashada.

Roohaani ayaa ololihiisa doorashada xooga ku saaray siyaasada arimaha dibada iyo inuu wanaajinayo xidhiidhka caalamiga halka Ibraahim Raysi  ololihiisa diirada ku saaray kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.