hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Shacabka Deegaanada Somaliland oo udareeray goobaha codbixinta(warbixin)

November 13, 2017   //     //   News392 Views

doorasho soomaalilandShacabka deegaanada maamulka Somaliland ayaa saaka udareerary goobaha codbixinta.In ka badan 700,000 oo qof ayaa udiwaangashan inay codayn karaan.Codayntu waxa ay ka dhacaysaa 1647 goobood oo ku kala yaala 21ka doorasho deegaan ee maamulka Somaliland.Doorashadan waa tii sadaxaad ee ka dhacda Somaliland waxaana ku tartamaya 3 musharax oo kala ah Muuse Biixi Cabdi(Kulmiye),C/raxmaan Cirro(Wadani) iyo Faysal Cali Waraabe(Ucid).Codbixinta ayaa bilaabantay 7dii aroornimo ee saaka waxa ayna xidhmaysaa 6da maqribnimo ee caawa.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa go’aamiyay in la xanibo baraha bulshadu ku xidhiidhno marka ay codbixintu soo gebagaboowdo si dadweynaha aanan loogu khalkhal gelinin natiijo been ah.

Sawirka:BBC

Readers Comments (0)

Comments are closed.