hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Saxaafada reer galbeedku maxay ka qoreen guushii madaxweyne Erdogan

April 17, 2017   //     //   News1795 Views

Waxaa shalay dalka Turkiga ka dhacay afti taariikhi ah oo isbadal weyn ku keeni doonta nidaamka dowliga ah ee Turkiga.Shacabka Turkiga ayaa la weydiiyay inay HAA ama MAYA ucodeeyaan 18 qodob oo kamid ah dastuurka dalka oo baarlamaanku wax ka badalay.Shacabka ayaa HAA ucodeeyey meelmarinta 18ka qodob oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay in Turkigu ka guuro nidaamka Baarlamaaniga ah una guuro nidaam madaxweyne.Natiijadii aftida ayaa noqotay in 51.18% ucodeeyeen HAA halka 48.82% ay ucodeeyeen MAYA.

Mid kamid ah xisbiyada mucaaradka ah ee Turkiga CHP ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn natiijada aftida maadaama natiijadu aad isugu dhowdahay wuxuuna xisbigan dalbaday in 60% codadka dib loo tiriyo,hadaba saxaafada reer galbeedku qaabkee bay utabisay natiijadii kasoo baxday aftida.

Aragtida dowladaha reer galbeedku
Waxaa si cad umuuqatay in dowladaha reer galbeedku si cad ushaaciyeen inaysan la dhacsanayn awooda sii kordhaysa ee madaxweyne Erdogan waxayna dalalkooda ka mamnuuceen in wasiirada xukumada Turkigu ka dhex ololeeyaan dalalka Yurub waxayna sameeyeen talaabo ay uga hortagayaan in madaxweyne Erdogan ku guuleysto aftidan iyagoo mucaaaradka ufasaxay inay dhigaan banaanbaxyo looga soo horjeedo madaxweyne Erdogan iyo aftida.

Natiijadii Aftida iyo qaabkii ay utabisay saxaafada reer galbeedku

Markii ay soo baxday in madaxweyne Erdogan ku guuleystay aftidii waxay labada saxaafadood ee ugu afka dheer dalalka reer galbeedka ee CNN iyo BBC bilaabeen inay qaab kale udhigaan natiijada iyagoo ciwaano isku mid ah ku soo daabacay bogaga hore.Hadaba maxay qoreen?

BBC
BBC waxay ciwaano ka dhigtay mucaaradka oo diiday natiijadii Aftidii Turkiga,madaxweynaha awooda badan ee Turkiga iyo Turkiga oo markale afti uqaadi doona xukunka dilka,Natiijadii Aftida oo isnacsiisay shacabka Turkiga

CNN
Sidoo kale CNN waxay ciwaano ka dhigtay codeyntii ka dhacday Turkiga oo la diiday,Maanta oo ay dhimatay dimuqraadiyadii Turkiga iyo Yurub oo digniin soo saartay.

Reer galbeedku waxay rabaan dowlad Turki ah oo daciif ah oo ay uyeedhiyaan dhinaca kalana uma ogola in Turkigu kamid noqdo midowga Yurub si kastoo Turkigu isugu dulleeyo.Qaar kamid ah wadamada Yurub waxay sheegeen in midwoga Yurub uu yahay urur Kirishtaan ah sidaas darteedna aysan marnaba aqbalaynin in lagu soo daro Turkiga oo ah dal dadkiisu badankiis yahay Muslim.

Waxaa xaqiiq ah oo reer galbeedku qiray in madaxweyne Erdogan oo horukac weyn gaadhsiiyay Turkiga iyadoo xukumadihii ka horeeyay la kacaa kufayeen musuqmaasuq iyo isqabqabsi dhexdooda ah.Erdogan wuxuu magaca Turkiga gaadhsiiyay meelsare wuxuuna noqday madaxweynaha kaliya ee Muslim ah ee MAYA dhihi kara reer galbeedka iyo mabaadiidooda waana arinta nacsiisay reer galbeedka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.