hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Sacuudiga oo shidaalkii ubilaabay Masar

March 20, 2017   //     //   News722 Views

Dowlada Sacuudiga ayaa dib ubilwoday shidaalkii ay siin jirtay dalka Masar kadib muda bilooyin ah oo la xanibay.Afhayeen uhadlay wasaarada shidaalka ee Masar Xamdi Cabdalcaziiz ayaa sheegay inuu soo gaadhay labadii markab ee ugu horeeyay ee shidaal ah ayna sugayaan in 2 markab oo kale oo shidaal ah 26-ka iyo 27-ka bishan Maarso.

Sacuudiga ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay shidaalkii ka joojiyay Masar kadib markii ay la safatay qaraar Ruushku soo diyaariyay oo la xidhiidhay qadiyada Suuriya.Ruushka iyo Sacuudiga ayaa isku maandhaafsan qadiyada Suuriya waxayna kala taageersan yihiin dhinacyada ku dagaalamaya Suuriya.

Sacuudiga iyo Masar ayaa horay ukala saxiixday heshiis ah ay ku baxayso $23 bilyan oo dhigaya in Sacuudigu shidaal siiyo Masar muda 5 sano ah

Readers Comments (0)

Comments are closed.