hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Sacuudi Carabiya:Amiiro iyo wasiiro xabsiga loo taxaabay

November 5, 2017   //     //   News995 Views

Xukumada Sacuudiga ayaa xabsiga dhigtay 11 amiir,4 wasiir iyo tobaneeyo kale oo horay wasiiro usoo noqday.Guddi uu madax uyahay dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bixiyay amarka lagu soo xidhay dadkan xabsiga loo taxaabay.Wararku waxa ay intaas ku darayaan in raggan loo hayso arimo la xidhiidha musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga ahna wasiirka difaaca ayaa sheegay inaysan jirin cid ka sareysa sharciga xataa amiirada qooyska reer Aala Sacuud.Hoos ka daawo magacyada amiirada iyo ashkhaasta caanka ah ee xabsiga loo taxaabay.amiiro la xidhay

Readers Comments (0)

Comments are closed.