hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Sacad Xariiri: Xor baan ahay maalma gudahoodna waan noqonayaa

November 13, 2017   //     //   News403 Views

sacad xariiriRa’iisulwasaarihii hore ee Lubnaan Sacad Xariiri oo wareysi siiyay telefishanka Al Mustaqbal ayaa sheegay inuu xor yahay beeniyayna inuu xabsi guri kujiro.

“Halkan boqortooyada Sacuudiga xor baan ahay,xoriyad buuxda ayaan haystaa waxaan sidoo kale jirta inaan reerkaygii la joogo,” ayuu yidhi Sacad Xariiri.

Ra’iisulwasaarihii hore ee Lubnaan waxa uu xusay inuu qorsheenayo inuu dib ugu laabto Lubnaan maalmo gudahood.

“Kama hadlayo bilooyin..ee waxaan ka hadlayaa waa maalmo waana ku laabanayaa Lubnaan,” ayuu markale yidhi Sacad Xariiri.

Sacad Xariiri ayaa si lama filaan ah isbuuc kahor magaalada Riyaad uga dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisi.Arintan ayaa waxa ay dhalisay tuhun ah in boqortooyada Sacuudigu ku qasabtay inuu is casilo hadana uusan gudaha Sacuudiga xor ku ahayn.

Readers Comments (0)

Comments are closed.