hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Raila oo dalbaday in Kenya laga dhiso dowlad wadaag ah oo kumeelgaadh ah

November 8, 2017   //     //   News649 Views

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo wareysi siiyay warbaahinta Reauters ayaa sheegay inuu diyaar uyahay wadahadal uu la galo Uhuru Kenyatta balse ay ka horayso in marka hore la sameeyo dowlad kumeelgaadh ah oo wadaag ah si Kenya looga badbaadiyo xasilooni daro.Raila waxa uu xusay in dowladan kumeelgaadhka ahi ay jiri doonto muda 6 bilood ah oo ah inta la sameenaya isbadal dhab ah si Kenya ay uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Raila waxa uu tilmaamay in Uhuru uusan maamuli karin Kenya maadaama kala badh dadka Kenya ay aaminsan yihiin in la gacan bidixeeyay.

Doorashadii ugu dambaysay ee dalka ka dhacday 26/10/2017 waxaa ku guuleystay Uhuru Kenyatta inkastoo hogaamiyaha xisbiga NASA uu isaga baxay tartanka kadib markii uu ku tilmaamay doorasho sharci dara ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.