hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Raila Odinga oo ka hadhay tartankii doorashada madaxweynaha ee Kenya

October 10, 2017   //     //   News706 Views

Hogaamiyaha isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa maanta shaaciyay inuu ka hadhay tartanka doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay in dalka ay ka dhacdo 26/10/2017.Raila ayaa sababta uu uga hadhay doorashada ku sheegay in dalabkoodii wax laga qaban waayey sidaas darteedna uu isaga baxay tartankii doorashada.

Arintan ayaa waxay dalka Kenya ka dhex dhalisay dood ku saabsan wax laga yeelayo doorashadii la qorsheeyay inay dhacdo 26/10/2017.Taageerayaasha mucaaradka waxay ku andacoonayaan in doorasha cusub la qabto halka taageerayaasha Jubilee ay dalbanayaan in Uhuru Kenyatta loo dhaariyo madaxweynaha Kenya maadaama aysan jirin cid la tartamaysa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.