Xaysiis
digg icon delicious icon

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo qaar kamid ah madaxdweynayaasha kililada oo hortagay Baarlamaanka

December 25, 2017   //     //   News2219 Views

abagudaRa’iisulwasaaraha xukumada fadaraalka Itoobiya oo ay weheliyaan 4 kamid ah madaxweynayaasha kililada Itoobiya ayaa hortagay xildhibaanada Baarlamaanka Itoobiya waxayna ka warbixiyeen halka uu marayo kulanka wali usocda gudiga fulinta ee ururka EPRDF.Ra’iisulwasaarahu waxa uu baarlamaanka usheegay in kulanku jawi wanaagsan ku socdo isagoo xusay in dowladu si dhow ula socoto dhibaatada ka taagan Oromiya iyo deegaanada kale ayna talaabo ka qaadi doonto kooxaha ku lugta leh xasarada ka taagan kililka Oromada.

Kulanka maanta ayaa ku soo beegmay isbuuc kadib kolkii xildhibaano is uruursaday oo ka kala socday kililada Oromada iyo kan Axmaarada ay banadeen kulan uu yeelan lahaa Baarlamaanku waxayna codsadeen in Ra’iisulwasaaruhu horyimaado baarlamaanka si uu baarlamaanka uga warbixiyo xaalada xasaradaha ka taagan dalka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.