Xaysiis
digg icon delicious icon

Rabshadaha ka socda Addis Ababa oo laga cabsi qabo inay ku fidaan DDS

September 18, 2018   //     //   News534 Views

PM-Office-English

Qoraal kasoo baxay Gudiga Amaanka Qaranka ee Itoobiya ayaa si adag loogaga hadlay rabshadaha ka socda Addis Ababa iyo duleedkeeda ee galaaftay nolosha muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ah.Qoraalkan oo saxaafada la soo gaadhsiiyay ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in dowlada qaadi doonto talaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo sareynta sharciga iyo sugida amniga muwaadiniinta Itoobiya.

“Ma lihin wadno aan ugu dulqaadano kuwa qaswadayaasha ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka waxaa lagu xusay in xukuumada qaaday talaabo kasta oo haboon si dadku ay udareemaan amni.

“Waxaa jira isku dayo lagu doonayo in rabshadahan loo xawilo deegaanka Soomaalida iyo deegaano kale si looga hortago qabsoomida  kongareeska 11aad ee EPRDF,” ayuu yidhi gudiga golaha amaanku.

Dhalinyarada ayaa loogu baaqay inaysan adeegsanin kooxo lagu timaamay inay ka ganacsadaan siyaasada iyo tuugadu waxaana la siiyay digniin ah in cidii ka qeyb gasha dhaqdhaqaaqyo sharci daro ah iyagoo og ama aanan ogayn sharciga la horgeyn doono.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.