hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Pakistan oo cambaareysay xasuuqa Muslimiinta Rohingya

September 8, 2017   //     //   News588 Views

Dowlada Pakistan ayaa cambaareysay xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.Pakistan waxay haweynayda dalkaas xisbigeedu kataliyo ugu baaqday inay joojiso xasuuqa loo gaysanayo dadka biri magaydada ah ee isugu jira haweenka,caruurta iyo duqeyda.

Pakistan condemns 'genocide' of Rohingya Muslims

 Dowlada Pakistan waxay dhibka lagu hayo Muslimiinta Rohingya ku tilmaantay xasuuq arxan darro ah.
“Dowlada Pakistan waxay cambaareynaysaa xasuuqa naxariis darada ah ee loo geysanayo dadka aan waxba galabsanin ee Rohingya ee ay kamid yihiin dumarka,caruurta iyo xataa dhalaanka xasuuqaas oo ah mid ay geysanayaan hay’adaha dowlada ee Myanmar.Xasuuqan naxariis darada ah ee loo geysanayo shacabka aan hubeysnayn waa argagixisnimo dowladeed.Waxay arintan muujinaysaa munaafaqnimada dimuqraadiyada laga sheegayo xukumada Myanmar.Pakistan waxay Qaramada midoobay ugu baaqaysaa inay qaadato doorkii looga baahnaa si loo joojiyo xasuuqa ka socda Myanmar,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska Raysulwasaaraha dalka Pakistan.
Waa dalkii labaad ee Muslim ah ee ka dhiidhiya xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.