hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Nuxurka khudbadii Amiirka Qadar

July 22, 2017   //     //   News1061 Views

tamiimAmiirka Qadar Tamiim Bin Hamada al-Thani ayaa shalay khudbadiisi ugu horeysay ka jeediyay telefishinka tan iyo markii Qadar go’doominta lagu soo rogay.Nuxurka qodobada khudbada amiirka waxaa kamid ah

  1. In Qadar diyaar utahay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka taagan balse wadahadaladaas ay noqdaan kuwa ixtiraamaya madax banaanida iyo qaranimada dalka Qadar
  2. In shacaba dalka Qadar ay muujiyeen adkeysi iyo midnimo loona baahan yahay inay sii wadaan
  3. Dhamaan ajaanibta ku nool Qadar waxay afhayeen unoqdeen dalka Qadar
  4. Waxaa la isku dayay dacaayado iyo kicin si Qadar isu dhiibto balse dadka Qadar ma aysan noqonin kuwa qaata dacaayadahaas iyo kicintaas
  5. Dalalka Carabta iyo kuwa aan carabta ahayn ee ixtiraama aragtida shacabkooda waxay taageero umuujiyeen Qadar ama ugu yaraan ma aysan taageerin kuwa na go’doomiyay
  6. Qadar cidina ku qasbimayso aragtideeda
  7. Tan iyo caruurnimadaanadii waxaan ogayn in beenta iyo xantu yihiin laba shay oo xun
  8. Qadar way la dagaalantaa argagixisada caalamkuna wuu ogyahay
  9. Kala aragti duwanaanshaha waxaa lagu xaliyaa wadahadal ee ma aha in arintaas ay dhibaato ukeento shucuubteena
  10. Qadar waxay ufuran tahay maalgashi
  11. Qadar waa la imtixaamay wayna ku baastay imtixaankii
  12. Qadar waxay garab taagantahay  shacabka Falastiin gaar ahaan kuwa kunool Al-Qudus waxayna cambaareynaysaa xidhitaanka Masjidul Aqsa.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.