Xaysiis
digg icon delicious icon

Mustafe: Xisbiga Deegaanka Soomaalidu wuxuu ku biiri doonaa EPRDF

October 4, 2018   //     //   News1061 Views

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar oo ka qeybgalay shirweynaha EPRDF ee ka socda magaalada Hawassa ayaa warbixin kooban ka bixiyay  shirka iyo natiijooyinka kasoo bixi kara.Mdaxweynuhu wuxuu xusay in shirweynahan dib loogu dooran doono Raysulwasaaraha iyo kuxigeenkiisa sidoo kale arinta doorashada madaxweynaha Itoobiya lagu soo bandhigi doono.

Dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida,wuxuu sheegay in xisbiga dib loo soo dhisi doono kadibna si toos ah loogu biiri doono xisbiga talada haya ee EPRDF.Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in Deegaanka Soomaalidu uu yahay dhulka ugu balaadhan Ethiopia qoomiyada Soomaaliduna  tahay tan sadaxaad ee dalka Ethiopia iyadoo sidaas ay tahayna aysan Soomaalidu dowlada dhexe ka helin xuquuqdii ay ku lahayd lana soo dhicin doono,

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ku raja weynyahay in deegaanka Soomaalidu xilal muhiim ah ka heli doono xukumada cusub ee Raysulwasaare Abiye Axmed soo dhiusi doono.

Readers Comments (0)

Comments are closed.