hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Musharaxnimada Faarax C/qaadir ma moolin siyaasadeed baa?

January 10, 2017   //     //   News916 Views

faarax-iyo-xasan-sheekhMaalinta bari ah ayaa ah maalinta loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada gudoomiyaha baaralamaanka Somalia oo ay ku tartamayaan 4 musharax iyadoo labada musharax ee kala ah Jawaari iyo Xidig ay ugu cad cad yihiin hanashada xilka gudoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Xilka gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka waxaa utartmaya musharixiin badan oo uu kamid yahay Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ah garabka midig ee madaxweyne Xasan Sheekh.Musharaxnimada Faarax Sheekh Cabdiqaadir waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay sahan siyaasadeed iyo moolin ee kooxda madaxweyne Xasan Sheekh moolinayaan taageerada ay ku leeyihiin xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka Somalia si cashir ay uga qaataan natiijada kasoo baxda.

Hadii Faarax Sheekh Cabdiqaadir ku guulaysto xilka gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka waxaa halkaas  kasoo baxaysa fasiraad ah in madaxweyne Xasan Sheekh taageero culus ka haysto xildhibaanada sidaas darteedna ay ubadan tahay inuu mar labaad hanto xilka madaxweynaha Somalia.Hadii arintu ay bilcagsi udhacdo oo Faarax guulaysan waayo waxay arintaas muujinaysaa in rajada guusha Xasan Sheekh ay aad uyartahay una baahan yahay inuu olole cusub oo horleh ka dhex sameeyo xildhibaanada kaas oo laftiisu noqon kara ciyi waagu kabaryay.

Waxaa muuqata inay isku xidhan yihiin guusha iyo guuldarada Faarax Cabdiqaadir iyo tan Xasan Sheekh oo natiijada doorashada gudoomiyaha koobaad laga odorasi karo mustaqbalka Xasan Sheekh.

Readers Comments (0)

Comments are closed.