hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Murashixii caanka ku noqday Islaam neceybka oo guuldareystay(VIDEO)

March 16, 2017   //     //   News1451 Views

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashadii shalay ka dhacday dalka Holland ayaa sheegaya in murashaxa cunsirinimada ku caan baxay ee lagu magacaabo Geert Wilders afka ciida loo daray kadib markii xisbigiisu ku guuldareystay in natiijo fiican kasoo hooyiyo doorashadii dalka ka dhacday.

Natiijada hordhaca ah waxay tilmaameysaa in xisbiga Raysulwasaare Mark Rutte ee VVD uu helay 33 kursi halka xisbiga Geert Wilders uu helay 20 kursi.

Raysulwasaare Mark Rutte ayaa sheegay in shacabka Netherlands muujiyeen diidmada aragtida xisbiga dhinac midig ee ku dhisan Yurub neceybka iyo dadkii sida khaldan wax looga dhaadhicinayay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.