hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Muqdisho:Xisbiyo si kumeelgaadh ah loo diwaan geliyay iyo shuruudaha looga baahan yahay

December 3, 2017   //     //   News418 Views

xisbiGudiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta xaflad ay ku qabteen hoteel SYL ku shaaciyay in si kumeelgaadh ah udiwaan geliyeen 8 xisbi.Shuruudaha xisbiyadan lagu diwaan geliyay waxaa kamida ah

1) Bixinta $500 oo diwaan gelin ah
2)Soo gudbinta codsi wata shaabada xisbiga isla mar ahaantaana ay ku lifaaqan tahay nuqul kamid ah kulankii ugu horeeyay ee xisbiga
3) In codsiga la soo raaciyo xeerka xisbiga iyo qaabka ay uxalinayaan hadii khilaaf dhexdooda ah yimaado

Shuurudaha diwaan gelinta rasmiga ah ee xisbiyada laga rabo
1)In xisbi kasta bixiyo lacagta diwaan gelinta oo dhan $1000
2)In xisbigu la yimaado 10 kun oo cidbixiyeyaal oo kasoo wada jeeda gobolada dalka
3)Inuu xafiisyo iyo taageerayaal ku leeyahay ugu yaraan 9 gobol oo kamid ah 18ka gobol ee dalka.

Sawirka:Sonna

Readers Comments (0)

Comments are closed.