hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Mid kamid ah Amiirada Sacuudiga oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Israel

September 8, 2017   //     //   News643 Views

Idaacad laga leeyahay dalka Israel ayaa shaacisay in mid kamid ah amiirada boqortooyada Sacuudiga uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Israel.

“Mid kamid ah Amiirada boqortooyada Sacuudiga ayaa maalmihii dhawaa booqasho qarsoodi ah kuyimid dalka si uu wadahadalo la xidhiidha nabada bariga dhexe ula yeesho saraakiisha xukuumada Israel,” ayay tidhi idaacadu.

Raysulwasaaraha xukuumada Israel Benyamin Netayahu ayaa sheegay in xidhiidhka aan tooska ahayn ee uu la leeyahay dalalka Carabta uu marayo meeshii ugu fiicnayd abid.

Marka laga reebo Masar iyo Urdun majiro dal Carbeed oo aqoonsan xukumada Israel lamana garanayo in Sacuudigu xidhiidh hoose la leeyahay xukuumada Israel iyo inkale.Booqashadan qarsoodiga ah ee Amiirka Sacuudigu ku tagay Israel ayaa waxay cadeyn utahay hadalkii Netanyahu ee ahaa in xidhiidh aan la shaacinin oo meel fiican maraya uu lala leeyahay dalalka Carabta.

Readers Comments (0)

Comments are closed.