hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaad kala socotaa tirada Saynisyahanada iyo aqoonyahaniinta Muslimiinta ee sida hoose loo khaarijiyay?

February 19, 2017   //     //   Media News, News3130 Views
Sawirka:Anadolu

Sawirka:Anadolu

Shaki kuma jiro in dunida Islaamka laga hortaagan yahay inay gaadhaan isku filnaasho dhanka Sayniska iyo Tiknoolijiyada ah si ay marka kasta uga hooseeyaan qayrkood uguna tiirsanaadaan tiknoolijiyada reer galbeedka.Waxaa la halsiibaa nin kasta oo aqoonyahan ah oo kasoo baxa dunida Islaamku,waxaynu halkii ay ku danbayeen kumanaankii Saynisyada ahaa ee uu wax baray Sadam Xuseen.Nin kasta oo Muslim ah oo Saynisyahan ah ama heersare ka gaadhay culuumta kale ee Tiknoolijayada casriga ah waxaa lagu dhex dilaa ama hoteel uu markaas shir uyimid,dilalkaas dhamaantood lagu eedeeyo sirdoonka Israel ee Mossad.Hadaba maxaad kala socotaa Saynisyahanadii iyo aqoonyahanadii kale ee Muslimiinta ahaa ee sida hoose loo khaarijay?

Maxamed al-Zawari

Allah ha unaxariistee Maxamed al-Zawari waxa uu ahaa Injineer reer Tunisiya ah oo ururka Xamaas ka caawiyey sameyska diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo drones.Waxaa bishii December sanadkii lasoo dhaafay lagu diley gurigiisa oo kuyaala magaalada Sfax oo kutaala Koonfur beri ee dalka Tunisiya.Ururka Xamaas ayaa dilkan Injineerkan ku eedeeyay sirdoonka Mossad ee Israel.

 

Samir Naguib

Allah ha unaxariistee Samir Naguib waxa uu ahaa Saynisyahan reer Masar ah oo ku takhasusay cilmiga Nukliyeerka,waxaa 1967 lagu diley gudaha dalka Mareykanka isagoo markaas rabay inuu ku soo laabto dalka Masar oo kujiray diyaar garoowgii dagaalkii Israel ee 1967,waxaana la sheegay inuu ku talo jiray in aqoontiisa uga faaideeyo dalkiisa sidii ay Nukliyeer ku sameysan lahaayeen.Waxaa la sheegay inuu ku dhintay shil baabuur.

Yaxye al-Mashad

Allah ha unaxariistee Yaxye al-Mashad oo u dhashay dalka Masar,waxa uu ahaa saynisyahan dhanka Nukliyeerka ah oo madax ka ahaa barnaamijkii nukliyeerka ee dalka Ciraaq.Waxaa 1980-kii lagu dhex dilay qol uu ka deganaa hoteel kuyaala magaalada Paris ee dalka France.

Rammal Xasan Rammaal

Rammal Xasan Rammal waxa uu ahaa Saynisyahan ku takhasusay cilmiga Physics oo udhashay dalka Lubnaan,waxaa 1991-gii lagu diley magaalada Paris.

Gamal Hemdan 

Waxa uu ahaa Qorraa reer Masar ah,gurigiisa oo kuyaalay magaalada Qaahira ayaa sanadkii 1993-dii lagu dhex gubay.Geerdiisa kahor waxa uu ku guda jiray qabyo qoraal buug ka hadlaysa Yuhuuda iyo zionism-ka.Markii la dilay kadib waxaa gurigiisi lagala baxay buugaagtii uu diyaarinayay oo dhan.

Isku daygii dil ee Khaakid Mishcal

Sirdoonka Israel ee Mossad ayaa 1997-dii ku fashilmay in dalka Urdun ku dhex dilaan hogaamiyaha dhanka siyaasada ee Hamaas Khaalid Mishcal,waxay dhagta uga buufiyeen sun uu Ilaahay ka badbaadiyay.

Ibrahim al-Dhaheri

Waxa uu kamid ahaa saynisyahanadii Nukliyeerka ee  Ciraaq,waxaa sanadkii 2004 isagaa faras saaran lagu toogtay magaalada Baquba ee kutaala galbeedka Ciraaq.

Mascuud Calimaxamadi

Waxa uu ahaa Saynisyahan khabiir ah oo udhashay dalka Iraan,waxaa sanadkii 2010 lagu hordilay gurigiisa oo kuyaala magaalada Tehran.Xukumada Iraan ayaa dilka saynisyahankan ku eedaysay sirdoonka Israel iyo Mareykanka.Mareykanku wuu iska fogeeyay eedaas lakiin Israel ma aysan ka hadal.

Majid Shahriari

Waxa uu ahaa Injineer dhanka nukliyeerka ah,waxaa sanadkii 2010 lagu dilay qarax gaadhi gudaha magaalada Tehran.

Mahmud al-Mabhuh

Ninkan ma uusan ahayn saynisyahan balse wuxuu ka tirsanaa  taliyeyaasha sare ee ururka Xamaas,waxaa 2010 lagu dhex dilay hoteel uu ka daganaa magaalada Dubai ee dalka Imaraadka Carabta.

Khabiirada taxliiliya dhacdooyinka noocan oo kala ayaa aamisan in khaarijinta ay israel khaarijinayso saynisyahada Muslimiinta ay tahay mid ay uga hortagayso in dalalka Muslimiintu aysan marnaba yeelanin aqoonta hubka nukliyeerka iyo tikniloojiyada kale,arintaas oo hadii ay dhacdo ay u arkaan mid lid ku noqon karta jiritaanka Israel.

Waxaan macluumaadkan kasoo xiganay Anadolu

Readers Comments (0)

Comments are closed.