hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaad kala socotaa safarka Donald Trump ee Sacuudiga?

May 19, 2017   //     //   News1004 Views

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maalinta beri ah u ambabixi doona magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya halkaas oo uu kula kulmi doono 50 hogaamiye oo ka kala socda dalalka Muslimka.Maalinta Axada ah ayuu hogaamiyeyaashan ujeedin doonaa khudbad dheer oo ujeedkeedu yahay inuusan cadow ku ahayn diinta Islaamka uguna baaqayo hogaamiyeyaasha dalalka Muslimiinta inay la dagaalamaan xagjirnimada.

Donald Trump oo looga bartay inuu khudbadihiisa ku weeraro diinta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa la taliyeyaashiisu aad uga fikireen nooca ay noqon karto khudbada uu maalinta Axada ah ujeedin doono hogaamiyeyaasha dunida Muslimka.Donald Trump waxaa haysata laba daran mid dooro inuu khudbadiisaas ku farax geliyo shacabka doortay ee Mareykanka oo sidii looga bartay ku weeraro Islaamka taas oo laga yaabo inay ka xanaajiso qaar kamid ah hogaamiyeyaasha uu khudbada ujeedinayo ama inuu ku qanciyo hogaamiyeyaasha horfadhiya oo shacabka Mareykanka u arkaan nin carabka iska qaniinay oo laba wajiileeyay.Wararku waxay sheegayaan in khudbada uu jeedin doono uu qoray Stephen Miller oo kamid ah kaaliyeyaasha aqalka cad ahna nin lagu yaqaano Islaam neceybka,waa ninkii wax ka qoray wareegtadii Trump dalka Mareykanka uga mamnuucay muwaadiniinta 7 dal oo Muslim ah.

Waxyaabaha uu khudbadan kaga hadli doono ayaa la sheegay inay kamid tahay xoriyada diimaha iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka kirishtaanka ah ee ku dhex nool dunida Muslimka.

Donald Trump iyo hogaamiyeesha uu la kulmi doono waxay ka mideysan yihiin laba arimood oo ah in la iska bahaysto Iran iyo la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan “kooxaha xagjiriinta.”

Donald Trump waxaa gudaha dalka Mareykanka kaga socota baadhitaan la xidhiidha inuu wasiirka arimaha dibada ee Ruushka la wadaagay xog xasaasi ah oo ahayd sir qaran iyo inkale,taas oo hadii ay ku cadaato ay suurtagal tahay inuu noqdo madaxweynihii labaad ee Mareykan ah oo fadeexad darteed xukunka looga tuuro.

Readers Comments (0)

Comments are closed.