hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaad kala socotaa qaabkii xilka looga qaaday dhaxalsugihii hore ee Sacuudiga?

July 23, 2017   //     //   News2488 Views

Maxamed salmanWaxaa isa soo taraya warar sheegaya in dhaxalsugihii hore ee Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Nayif qorshe lasoo magaleeyay oo nooca afgambi oo kala ah xilka looga qaaday.Wargeyska The Newyork Times ayaa daabacay qaabkii xilka looga qaaday Maxamed Nayif iyo kaartada loo dagay.Nuxurka qoraalkii wargeyska waxaa kamid ahaa

1) Amiirada sar sare ee boqortooyada oo loo sheegay in Maxamed Bin Naayif uusan noqon karin boqorka sacuudi Carabiya isagoo lagu eedayay inuu daroogo isticmaalo
2) In Maxamed Bin Naayif loogu yeedhay meel kamid ah magaalada Makka kadibna saacado badan lagu cadaadinayay inuu ka tanaasulo sheegashada kursiga
3 Isbuuc kahor intii aanan xilka laga qaadin sirdoon la shaqeeya Maxamed Bin Salmaan ayaa video ka duubay Maxamed Bin Naayif oo cabbaya khamro nooca loo yaqaano scotch
4 Maxamed Bin Naayif waxaa loo sheegay inuu la kulmayo boqor Salmaan balse waxaa la geeyay qol halkaas oo saraakiisha qasriga boqortooyadu xoog uga qaadeen dhamaan telefoonadii gacanta ee uu watay.

Waregeysku waxa uu sheegay in dhamaan talaabooyinkaas ay ahaayeen qorshe uu kasoo shaqeeyay Maxamed Bin Salmaan si xilka looga xayuubiyo Maxamed Bin Naayif.Wargeysku wuxuu sidoo kale tibaaxay muuqaal xukumada Sacuudigu sii daysay oo muujinayay Maxamed Bin Naayif oo uhambalyeenaya Maxamed Bin Salmaan uu ahaa mid xaqiiqda ka fog.

Readers Comments (0)

Comments are closed.