hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaad kala socotaa khilaafka ka dhex dilaacay Mareykanka iyo Turkey?

October 10, 2017   //     //   News977 Views

erdogan and trump
Mareykanka iyo Turkiga waxaa soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo ilaa hada la maareyn la’yahay.Mareykanka ayaa shaaciyay inuu joojiyay dhamaan fiisooyinkii dal ku galka ahaa ee safaarada Mareykanka ee Turkigu ay siin jirtay muwaadiniinta Turkida ee doonaya inay usafraan dalka Mareykanka arimo amni dartood.Turkiga oo arintan ka falcelinaya ayaa isna joojiyay fiisooyinkii dal ku galka ahaa ee safaarada Turkiga ee Mareykanku siin jirtay muwaadiniinta Mareykanka ee usafraya Turkiga,hadaba khilaafkani xagee salka ku hayaa?

Sababaha khilaafka dhaliyay
Xukumada Turkiga ayaa xabsiga dhigtay Metin Topuz oo ah muwaadin udhashay dalka Turkiga balse shaqaale ka ah safaarada Mareykanka ee Ankara.Ninkan ayaa lagu tuhun sanyahay inuu ku lug lahaa afgembigii dhicisoobay ee 2 sano ka hor ka dhacay Turkiga.

Burhan Kuzu oo ah la taliyaha madaxweyne Erdogan ahna xildhibaan katirsan xisbi xaakimka ayaa sheegay in Mareykanku ka walaac sanyahay in ninkan la qabtay bixiyo macluumaad uu hayo oo la xidhiidha in Mareykanku ku lug lahaa afgembigii dhicisoobay.

“Mareykanku wuxuu ka cadhooday arinta xadhiga ninkan la qabtay oo uu ka cabsi qabo in ninka la xidhay uu sheego ku lug lahaanhihii Mareykanka ee afgembigii dhicisoobay,arinta joojinta fiisadu waa mid la rabo in Turkiga lagu cadaadiyo si loo sii daayo ninkan la qabtay” sidaas waxaa yidhi la taliyaha madaxweyne Erdogan Burhan Kuzu.

Ma ahan ninkan la xidhay oo kaliya waxa uu Mareykanku ka cadhooday, waxaa sidoo kale la xidhay muwaadin Mareykan ah oo la yidhaahdo Andrew Brunson oo isna loo haysto ku lug lahaanshaha afgembigii dhicisoobay.Madaxweyne Trump iyo 78 xildhibaan oo katirsan aqalka kongreska Mareykanka ayaa Turkiga ka codsaday in ninkan la sii daayo balse arintaas Turkigu dhag jalaq uma siinin wuxuuna ku xidhay shardi ah hadii Fethullah Gulen Mareykanku soo dhiibo oo kaliya in la sii diinayo muwaadinka Mareykanka ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa talaabada Mareykanku ku joojiyay fiisihii dal ku galka ku tilmaamay arin lagu xumaado,wuxuuna isagoo arintan ka falcelinaya safaarada Turkiga ee Mareykanka ku amray inaysan fiisaha dal ku galka ah siinin muwaadiniinta Mareykanka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.