hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaad ka ogtahay awooda dagaal ee diyaaradaha Mareykanku ka iibiyey Kenya?

May 7, 2017   //     //   Media News, News3355 Views

diyaarad helicopterDowlada Mareykanka ayaa hub qiimihiisu dhanyahay $671 malyan ka iibisay dowlada Kenya hubkaas oo isugu jira diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga ukaca,gantaalada garbaha laga tuuro iyo rasaas.Hadaba waxaa soo baxaysa dhaliil ay khuburada militerigu ujeedinayaan qiimaha hubka laga bixiyay iyo sida uu wax uga tari karo la dagaalanka Alshabaab.

Dhaliisha koobaad:Qiimaha hubka

Kenya waa dowlad Afrikaan ah oo dalkeedu faqri badan kajiro.Waa dowlada koobaad Geeska Afrika ee miisaniyada ugu badan kubixisa militirageeda,waxaa lagu dhaliilay in lacag intaas dhan ay hub ka bixiso iyadoo lacagtaas uwajihi kartay dhanka horumarinta shacabkeeda.

Awooda dagaal ee diyaaradaha laga iibiyay Kenya

Diyaaradaha laga iibiyay Kenya waxay isugu jiraan helikabtarada weerarka loogu talagay iyo kuwo kale oo khafiif ah oo markii hore loogu talagalay in beeraha looga buufiyo cayayaanka kadibna laga dhigay in loo isticmaali karo dagaalka.Khubarada militerigu waxay sheegeen in diyaaradahani khafiif yihiin,jawi hoose ku duulaan xawaarahooduna aad uhooseeyo laguna soo ridi karo hubka fudud sidaas darteedna aan la ogayn sida loogula dagaalami karo Alshabaab oo haysta hubka lidka diyaaradaha iyo gantaalada garbaha laga tuuro ee afka qalaad lagu yidhaahdo manportable air defence system(Manpads) kuwaas oo awooda inay soo ridaan diyaarado jawi sare ku duuliya.”Diyaaradhani waa kuwo fudud oo aan si buuxda ugaashaamanayn,waxay khatar uyihiin in lagu waxyeeleeyo hubka fudud,” ayuu yidhi Dr.Stig Jarle Hansen oo ah qoraaga buuga The history and ideology of Alshabaab.

Kooxda islaamiyiinta Soomaaliya waxay sanadkii 1993 laba diyaaradood oo Mareykanku leeyahay kusoo rideen RPGs sidoo kale koox xidhidh laleh ayaa sanadkii 2002 gantaalada loo yaqaano Manpads ku ganay diyaarad laga leeyahay Israel oo ka duulaysay garoonka diyaaradaha ee Moi international airport ee magaalada Mombasa inkastoo gantaaladaas aysan haleelin diyaarada.

Diyaarinta Hubkan  iyo keenida Kenya 

Hubkan Kenya laga iibiyay waxaa soo diyaarin doona laba shirkadood oo kala ah L3 Technologies oo New York kutaala iyo MD helicopters oo Arizona kutaala.Waxaa la sheegay in diyaarinta helikobtaradan ay qaadan karto 2 sano.

Ansixinta Heshiiska Hubka oo weli qabyo ah

Heshiiskan oo la shaaciyay Janoury 2017 ayaa wali qabyo ah.Aqalka Kongreska Mareykanka ayaa hadal ka keenay heshiiska,waxayna sheegeen in Kenya in lacag fooqal caqli ah ku bixinayso hub aan horay loo tijaabinin waxtarkiisa dhanka dagaalka sidaas darteedna uu Kongresku baadhitaan kuwado heshiiska iibka ee hubkan.

Dhanka Siyaasada

Sideeda Bisha Sideedaad ee sanadkan Kenya waxaa ka dhacaysa doorasho guud waxaana dhici karta in ururada mucaaradku qiimaha lagu bixinayo iibka hubkan ka dhigtaan kaadh ay u isticmaalaan ololaha doorashada.

 Gunaanadkii
Waxaad moodaa in Kenya markii ay ugagsan weyday weerarada shabaabku la beegsanayaan ciidankeeda ay si ka fiirsasho la’aan ah heshiis hub iibsi ula gashay shirkado Mareykan ah oo sida hada soo baxday ka iibiyay hub tayadiisu aad uhoosayso sida muuqatana aanan wax weyn kusoo kordhin karin dagaalka ay kula jirto Alshabaab.

Readers Comments (0)

Comments are closed.