Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaa kasoo kordhay arimaha shidaalka Ceelasha Elale iyo Jeexdin?

September 22, 2018   //     //   News574 Views

Shirkada gacanta kuhaysa ceelasha shidaalka ee Ogaden Basin gaar ahaan ceelasha Elale iyo Jeexdin oo magaceeda la yidhaahdo Poly CGL ayaa shirkad kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha qandaraas ku siisay in dhisaan dhuumihii isku xidhii lahaa ceelasha shidaalka iyo Dekada Jabuuti oo ah shidaalka laga Dhoofin doono.

Magaca shirkadan cusub qandaraaska la siiyay waa China Oil HBP Group waxaa ushaqeysa 1300 oo shaqaale.
Qandaraaskan ayaa ku kacaya lacag dhan 313 malyan oo doolar.Heshiiska lala galay waxaa kamid ah in shirkadu dhismaha dhuumahan muda 2 sano ah kudiyaariso.Dhuumahan ayaa lagu wadaa in la geliyo dhul dheerarkiisu dhanyahay 700km.

Shidaalk dhoofintiisu waxa ay bilaaban doontaa sanadka 2021 waa sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaarada macdanta,shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah Dr.Koang Tutlam.

Baaxada gaaska dabiiciga ee ceegaaga ceelasha shidaalka ogaden basin ayaa lagu sheegay 4 trilion cubic feet iyadoo kharashka ku baxay diyaarintiisa ay dhantahay 4 biyan oo doolar.

Readers Comments (0)

Comments are closed.