hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaa kasoo baxay kulankii caawa ee xildhibaanada Beesha Daarood iyo madaxweyne Farmaajo?

September 10, 2017   //     //   News2427 Views

farmaajo iyo khayreWaxaa soo gebageboobay kulan caawa Villa Somalia uga socday guddi ay iska dhex qabteen xildhibaanada Beesha Daarood iyo madaxweyne Farmaajo.Kulankan ayaa wuxuu ku saabsanaa dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse qalbidhagax iyo go’aankii kasoo golaha wasiirada.Dood iyo falaqeyn dheer kadib madaxweyne Farmaajo ayaa xidlhibaanada usheegay inay khalad ahayd dhiibistii C/kariin qalbi-dhagax iyo go’aankii kasoo baxay golaha wasiirada ee ururka ONLF ku tilmaamay urur argagixiso.Xogtan waxaa nala wadaagay dad xogogaal ah.

Dowlada ayaa hada ka baaraan dagaysa qaabkii ay usixi lahayd khaladaadkaas dhacay ee uu madaxweyne Farmaajo qiray.Xogta nasoo gaadhaysa waxay sheegaysaa in suurtagal ay tahay in dowladu ay soo saarto qoraal kale oo ay kaga hadlayso arimihii dhacay ama ay guddi usaarto khaladaadka dhacay si loo saxo.

Readers Comments (0)

Comments are closed.