hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaa kajira in madaxweyne Farmaajo ka xumaaday booqashadii Uhuru ee Dhoobley?

March 19, 2017   //     //   News2064 Views

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay booqasho kedis ah ku tagay saldhig ciidanka KDF ku leeyihiin magaalada Dhoobley halkaas oo uu kula qadeeyay ciidamada khudbad dhiirigelin ahna ugu jeediyay.Waxaa jira warar aan si rasmi ah usoo bixin oo ay shaacisay saxaafada Kenya oo sheegaya in madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka xumaaday booqashadii uu madaxweyne Uhuru ku tagay magaalada Dhoobley maadaama aan xafiiskiisa lagu wargelinin.Waa dhab in booqashadaas aan lagu wargelinin Villaa Somalia balse waxaanan wali rasmi ahayn in madaxweyne Farmaajo arintaas si toos ah iyo si dadban toona uga hadlay.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya sarkaal ka shaqeeya madaxtooyada Somalia ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo ka xumaaday boooqashadaas aan la soo ogaysiinin.

Afhayeenka madaxtooyada Kenya oo arintan ka hadlay ayaa beeniyay in wararka sheegaya in Somalia ay ku xumaatay booqashadii Uhuru ee Dhoobley.

Readers Comments (0)

Comments are closed.