hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaa kaaga baxay kulankii dhexmaray Xasan Sheekh iyo xildhibaanada labada aqal?

January 30, 2017   //     //   News1493 Views

villa3Musharax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay xildhibaano tiradooda lagu sheegay 190 oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Somalia.Kulankii xalay waxaa kasoo baxday hal arin oo la dhihi karo waxay xoojinaysaa hadalo Soomaalidu isdhexwday isbuucyadii la soo dhaafay oo sheegayay in dowlada Itoobiya heshiisiisay Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh.Heshiiskan la sheegay inuu dhexmaray Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ka koobnaa balan qaadyo loo sameeyay dhanka Shariif Xasan iyo isna uu taageero musharaxnimada Xasan Sheekh.Hoos usii geli mayno balan qaadyada la sheegay in loo sameeyay Shariif Xasan.

Kulankii xalay waxaa si weyn ugu dhexmuuqday xildhibaanadii jaalka la ahaa Shariif Xasan oo kulankii ka sheegay inay taageersan yihiin musharaxnimada Xasan Sheekh.Xildhibaanadan waxaa kamid ahaa Xidig iyo Aadan Madoobe,waxaa sidoo kale la sheegay in 11 kale oo xildhibaaan oo kasoo jeeda Koonfur galbeed ay kulanka ku sugnaayeen.

Su’aasha Soomaalidu isweydiinayso ayaa ah 190-ka xildhibaan ee xalay la casheeyay Xasan Sheekh ma wadan dooran 8-da February mise sidii horay udhici jirtay ayaa dhici doonto oo ahayd ka cashee oo ka codee?

Hadii 190-kan xildhibaan uwada codeeyaan Xasan Sheekh waxaa cad inuu mar labaad ku soo laaban doono xukunka dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaka u ambabaxay Itoobiya si uu uga qayb galo shirka madaxeedka midowga Afrika ee maanta ka furmay magaalada Addis Ababa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.