hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Maxaa ka jira eedaha loo jeedinayo madaxweynaha Koonfurgalbeed

January 8, 2017   //     //   News1342 Views

shariif xasanWasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfurgalbeed ayaa madaxweyne Shariif Xassan ku eedeeyay inuusan soo magacaabin madaxweyne ku xigeenadi maamulkaas, labadi sano ee uu magacownaa, waxayna sheegeen in waqtigii ku meel gaarka ahaa oo ku ekaa laba sano uu xilligan ka dhamaaday, islamarkaana loo baahan yahay in la helo madaxweyne cusub.

“Laba sano oo ku meel gaar ah ayuu sharci u lahaa, labadina way dhamaadeen asaga oon weli soo magacaabin madaxweyne ku xigeenadi ayaa laga yiri shir ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaas,
“masuul kasta oo ku magacaaban xil wasiir waxaa laga codsanayaa in uu is casilo, maadaama dadka iyo dalka aan waxba loo haynin, maadaama aan ku fashilanay xilkii naloo dhiibay, lacagihii canshuuraha ahaana guryo lagu dhistay hoteelana lagu seexanayo, ma jiro wax wasiir ah oo xil u haya shacabka koonfur-galbeed”
ayaa laga sheegay goobta shirka.

Arimahan ayaa imanaya xilli madaxweynaha Koonfurgalbeed uu isu sharxay xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya, taasoo muujineysa inuusan ku qanacsaneyn hogaaminta maamulka Koonfurgalbeed , waxaa kaloo maalmahan saxaafadda maxalliga ah lagu dhex waday warar sheegaya in lacago lagu keenay yabooh madaxweynaha u deegsaday kambeynkiisa madaxweynaha Soomaaliya.

Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.